Kooxo hubeysnaa Bastoolad ayaa habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Mas’uul Maxkamadda Ciidamada darejada Koowaad ee Ciidamada Puntland.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus, waxaana rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, xili uu marayay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan Garoowe.
Ragii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta uga baxsaday luu yar oo halkaas ka yaalla, isla markaana waxaa daqiiqado kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo qaaday Meydka Sarkaalka.
Maxamed Maxamuud Jaamuus ayaa la sheegay inuu kaaliye ka ahaa Maxkamadda Derejada-koowaad ee Ciidamada Puntland, isla markaana uu muddo la shaqeeyay Maxkamadda, hayeeshee xalay lagu dilay Magaalada Garoowe.
Saraakiisha amniga Puntland weli ma jiro wax war ah ay kasoo saareen dilkaas loo geystay Jaamuus, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ciidanka amniga ay wadaan baaritaano kala duwan falkii dhacay.