Wararka aan ka heleyno Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu dilay mid kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Buurhakaba.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay inay toogteen Odeyga xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Buurhakaba, isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ooye Ibrahim, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa daqiiqado kadib tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Maxamed Ooye.
lLama oga sababta loo dilay Marxuumka, waxaana wararka ay sheegayaan in laamaha amniga Buurhakaba ay wadaan howlgal lagu raadinayo ragii ka dambeeyay dilkaas.