Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Wiil dhalinyaro ahaa ku dilay gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dad ku sugan Balcad oo la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka loo geystay Wiilka uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Wiilka, isagoona goobta ugu geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.
Askariga ka tirsan Ciidanka ee dilka geystay ayaa isku dayay in Goobta uu falka ka dhacay uu ka baxsado, hayeeshee waxaa la sheegay inay qabteen Ciidamo kale oo ku sugnaa Nawaaxiga ayna xireen.
Dad yaqaanay Wiilka dhalinyarada ahaa ee la toogtay kana mid ahaa dadka deegaanka ayaa waxaa ay Magaciisa ku shegeen Cabdi Fanax, isla markaana uu si bareer u toogtay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan Degmada Balcad.