Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka tirsan Wadada Warshadaha ee magalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano isgoyska EVECO,waxaan la sheegayaa in halkasi lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka Darawalka Mooto bajaajka uu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada dowladda,isla markaana meydka u yaallo goobtii lagu dilay oo aan weli la qaadin.
Dilka ayaa waxa uu dhacay Caawa halkii Saac,waxana dilkaas ka soo baxaya warar kala duwan,dad goobta ku sugan oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in askariga dad kale uu rasaasta u waday balse ay ku dhacday Darawalka Mootada halka kuwo kale ay sheegeen in si bareer ah uu u toogtay,isla marakana askarigii uu baxsaday.
Goobta uu dilka ka dhacay ee agagaarka Isgoyska EVECO oo ku dhow Warshada Taraqa & Sigaarka ee Wadada Warshadaha ayaa tan iyo Bishan Ramadaan markii ay dhalatay waxaa ka socday howlgallo Ciidamo halkaasi la geeyey ay ku baarayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Sikastaba dilalka loo geysanayo Darawalada Mooto Bajaajta ayaa ku soo badanayey Magalada Muqdisho,iyada oo inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan Muqdisho lagu dilay ilaa 3 Darawal Mooto Bajaaj.