Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.
Guddiga Doorashada ayaa Maanta diiwaan-geliyay ilaa iyo Saddex Musharax, waxaana labada kamid ah ay u tartamayan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug, halka mid kalena uu u tartamayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Musharaxiinta laga guddoomay Araajida iyo Taariikh nololeedkooda ayaa kala hadlay Maxamed Nuur Gacal, Cabdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow oo u sharaxan xilka Guddoomiyaha, halka Maxamed Sheekh Axmed Maalin u taagan Guddoomiye ku-xigeenadka labaad.
Guddiga Doorashooyinka ayaa maalmo kahor shaaciyay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Galmudug la qaban doono 17-ka Bishan, iyagoona soo saaray Shuruudaha Guddoonka Baarlamaanka.