Deegaanno ka tirsan Hong Kong ayaa waxaa ka dhacayay iskudhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibadbaxayaasha u ololeeya dimuqraadiyadda.
Degmada Wan Chai, bambo gacmeed quraarado laga sameeyay oo uu batrool ku jiro ayaa la ganay xilli boolisku ay rideen sunta dadka kaga ilmaysiisa.
Dibadbax markii hore la sharciyeeyay oo ka dhacay fagaaraha Victoria ayaa waxa uu noqday mid sharciga hareer marsan kaddib markii dibadbaxayaashu ay ku fideen waddooyinka halkaas ku xeeran.
Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan Hong Kong ayaa sheegaya in xaaladdu ay si weyn isu badeshay kaddib markii boolisku uu degdeg ku soo farageliyay arrinta halkaas oo ay ka bilaabatay xaalad ku dhufo oo ku dhaqaaq ah oo ay dibadbaxayaashu isticmaalayeen.
Waa todobaadkii 10-aad ee xiriir ah oo ay deegaankaasi ka dhacayaan dibadbaxyo dowladda loogaga soo horjeedo.
Shiinaha ayaa ku amray shirkadda fadhigeedu yahay Hong Kong ee Cathay Pacific inay shaqada ka cayriso shaqaalaha taageersan dibadbaxyada dimuqraadiyadda lagu doonayo.
Dalabka Beijing ayaa ku soo beegmay isu imaatin nabadeed oo lagu qabtay garoonka Hong Kong, halkaasoo kumannaan qof ay buux dhaafiyeen.
Cathay ayuu sidoo kale cadaadis ka soo food saaray baraha bulshada kaddib markii warbaahinta dowladda Shiinaha ay sii huriyeen halkudhigga #BoycottCathayPacific.
Madaxa Cathay John Slosar ayaa shaqaalihiisa difaacay. “Waxaa Hong Kong noo jooga 27,000 shaqaale oo shaqooyin kala duwan qabta… lagama yaabo inaan u sheegno waxa ay tahay inay ku fekeraan,” ayuu yiri.
Hong Kong waxaa ka dhacay toddobaadyo ay dibadbaxyo socdeen. Waxay dibadbaxyadu bilowdeen sagaal toddobaad kahor, kaddib markii lasoo jeediyay sharci dadka dembiyada gala loogu dhiibayo Shiinaha.
Hong Kong waxay ka tirsan tahay Shiinaha, balse dadkeeda waxay haystaan xorriyad aysan haysan dadka dhulweynaha Shiinaha ku nool.