Dibadbaxayo ballaaran ayaa markale ka billowday dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu is casilayo, ayaa haatan dib u soo noqday.
Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen.
Ra’iisul Wasaarihii dalka Lubnaan ayaa is casilay Talaadadii la soo dhaafay balse dibedbaxayaasha haatan dib ugu soo laabtay waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in aysan weli qanacsanayn, oo waxa ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro dowladda haatan jirto oo isbedel lagu sameeyo habka siyaasadda dalkaasi.
Mudaaharaayasha ayaa maamulka haatan jira waxay ku tilmaameen inuu yahay mid musuq daashaday sidoo kalana loo aaneynayo shaqala’aanta baahsan ee ka jirta dalka Lubnaan iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibedbaxyada ilaa uu dalkooda ka dhaco isbedel dhab ah.
Dhanka kale waxaa jiray mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayay madaxweyne Michel Aoun, kuwaasi oo aaminsan in Michel uu yahay ninka saxda ah ee isbedel ka sameyn karo dalka Lubnaan.