Dadweyne caraysan ayaa dhigay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan fal dil ah oo uu Askari ka tirsan Ciiddanka Taraafikada duhurkii maanta u geystay Dareewal watay gaari yar oo marayey Jidka Wadnaha ee magaalladda Muqdisho.
Dibadbaxayaasha ayaa socod ku soo mareen  qaar ka mid ah waddooyin dhex mara Xaafadda Geed Jacayl ee Degmadda Wardhiigley, waxayna cambaareeyeen dilkaasi.
Qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha oo la hadlay Weriyayaasha ayaa sheegay inaan maydka la aasi doonin ilaa laga soo qabto Askarigii dilka geystay..
Ma kala cadda sababaha rasmiga ee uu Askariga Taraafikadda u dilay Dareewalka, balse Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Askarigu si barer ah u toogtay Dareewalka, kadib, markii ay yara murmeen.
Warar kale ayaa sheegaya in Dareewalka la dilay uu qoriga kula dhigay Askariga, taasi oo sababtay Toogashadaasi.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu isaga  baxsaday goobtii uu dilka ka geystay.
Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horreysay ee uu Askari dilo qof rayid ah, mana aha markii ugu horreysay ee dadka ehelladda la ah Marxuuminta la dilo ku adkeystaan  inaan la aasi doonin maydka ilaa inta laga gar baxayo