Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay baajiyeen Dibadbaxaasi oo la filayey inuu maanta ka dhaco caasimadda dalkaasi ee Khartuum.
Guddiga Amniga ayaa la sheegay inay ku gacan-sayreen fasaxa lagu qaban lahaa Bannaanbaxaas oo uu Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ka khudbeyn lahaa.
Caasimadda Suudaan waxaa maalmihii la soo dhaafay lagu qabtay dibadbaxo waa weyn, iyadoo dad fara badan hor fariisteen Xarunta Dhexe ee Milliteriga dalkaasi ku leeyihiin magaalladda Khartuum.
Tan iyo bishii December 19-dii ee sannadkii hore, dalka Suudaan waxaa ka socday Dibadbaxyo looga soo horjeeday xaalladda dhaqaalaha iyo sicir-bararka, inkastoo uu markii dambe Dibadbaxyadda la siyaasadeeyey, looguna baaqay Madaxweyne Albashiir inuu xilka ka dego