Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa lagu waday inay gaaraan Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid Safarkoodka.
Sababta dib u dhac keentay Safarka ayaa waxaa ay tahay, kadib markii xalay roobab xoogan ay ka da’een Magaalada Baladweyne, isla markaana uu gabi ahaan xirmay Garoonka diyaaradaha Baladweyne.
Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa safarkii ay ku tegi lahaayeen Baladweyne waxaa ku wehlin lahaa xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, hayeeshee waxaa la shaaciyay in Safarka uu dib u dhacay.
Kulan xalay Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, waxaana Maanta Baladweyne ay gaarsiin lahaayeen gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, isla markaana ay gaarsiin doonaan gargaar.