Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lana filayay inuu maalinta berri ka furmo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegay in dib u dhac Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uu sabab u yahay Codsi ka yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Deni ayaa codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, taasi oo isku bedeshay dagaal ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe ayaa waxaa gaaray Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, kuwaasi oo Garoowe u tegay xalinta shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Boosaaso ee u dhexeeysay Ciidanka PFS iyo kuwa Maamulka.
Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waday in lagu saxo qalalaadka ka jira doorashada dalka, iyo dardar-gelinteeda.
Si kastaba dib u dhaca ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo aaday, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa ee ahaa hoggaaminta doorashada, kuna baaqay Shir Wadatashi ah.