Guddigadoorashooyinka maamulka Somaliland oo shir jiraa’iid maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in aysan waqtigii loogu talagalay ku qabsoomi karin doorashada golayasha deegaanka iyo golaha wakiilada.
Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in warqadda dib u dhaca doorashada ay u gudbiyeen golaha guurtida iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa yiri “Guddigu waxa uu cadeynayaa in doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee lagu weday in ay dhacdo 12-December 2019-ka oo ah bilk a hor dhamaadka muddo xileedka golaha wakiilada in aysan u qabsoomi karin Farsamo ahaan iyo sharci ahaanba.
Ugu dambeyntii ayuu cadeeyay in qoraal ay u gudbiyeen madaxtooyada isla markaana looga fadhiyo madaxweynaha in muddo 15-cisho gudahooda ku soo saaro Digreeto.