Waxaa dib u dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP058 oo Maanta lagu waday inay ka dhacdo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Doorashada kursiga ayaa waxaa ku loolamayo 7 Musharax oo ku jiraan Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Shanbaboolshe.
Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashada kursiga HOP058 ee Maanta la filayay inay dhacdo uu dib u dhac ku yimid, isla markaana maalinta berri oo Isniin ah la qaban doono, sida uu qorshahu yahay
Lama oga sababta keentay dib u dhac doorashada kursiga Golaha Shacabka HOP058, waxaana xusid mudan in shalay Guddiga doorashada ay diiwaan-geliyeen dhammaan xubnaha 7 Musharax ee ku tartamaya kursigaas oo tartan adeg uu ka furan yahay.
Musharaxiinta ku tartamaya kursigaan ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa Taliyihii hore ee NISA, Eng Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cabduqaadir Xuseen Olow, Maxamuud Afdhub Makaran, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubah Ali Shegow.