Wasiirka Difaaca ee dalkaasi ayaa sheegay in 7 Eedeysane loo xiray qaraxyadii xiriirka ahaa ee ay ku geeriyoodeen ku-dhawaad 200 oo qof, laguna dhaawacay 400 oo kale.
Qaraxyaddii maanta ayaana noqday kuwi iugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu dhamaaday Dagaalka sokeeye ee dalka Sri Lanka 10-sanno ka hor.
Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Ruwan Wijewardena ayaa sheegay inay xireen 7 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxyada lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Kolombo.
Ugu yaraabn 35 qof oo shisheeye ah ayaa ku geeriyootay qaraxyadaasi, iyadoo Wakaalladda Wararka AFP sheegtay in Dalxiisayaal u kala dhashay dalalka Maraykanka, Britain, Japan, Holland iyo Portuqiis ku geeriyodoeen Qaraxyadaasi.
Sarkaal ka hawlgala mid ka mid ah Hoteelladda la weeraray ayaa sheegay in Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku dhex qarxiyey dad ku cunteynayey Hoteelka Kinnaon Garand.