Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay duufaan ku dhufatay dhulka Xeebleyda ee Gobalka Koonfurta ee dalkaasi
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaraynta Masiibooyinka ee dalkaasi, oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ayaa sheegay inay duufaantaasi ku dhaawacmeen ugu yaraan 63 qof o okale.
Telefishinka NTV ee dalkaasi waxa uu tirada dhimashada gaarsiiyey 7 qof iyo inay duufaanto burbur gaarsiisay ku-dhawaad kun guri.
Duufaanta Fani waxay kaloo xidada u siibtay geedaha, baalayaasha Korantada, waxayna waxyeello u geysatay waddooyinka ay maraan gawaaridda iyo Tareenadda.