Ilaa 3 qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 2 Bam-gacmeed oo lagu weeraray Dhismaha Maxkamadda Heerka 1-aad ee magaalladda Bosaaso.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in 2 nin aan la aqsoonin ay Bambo ku tuureen gudaha Maxkamadda, oo ay xilligaasi ka socdeen Hawl-maalmeedkii Garsoorka.
Ciiddanka Ammaanka ee Maxkamadda ku sugnaa yaa furay rasaas, inkastoo uu baxsaday ninkii tuuray Bamka.
Arrintan ayaa ku soo beegantay hadal uu Wasiirka Amniga ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qar-jabâ€Â ku sheegy in dil toogasho lagu fuliyo Maxabiista Alshabaab ee ku xuran Xabsiyadda.
Waxa uu tilmaamay inay wax laga xumaado tahay in Maxaabiistaasi Xabsiga lagu sii hayo iyadoo lagu xukumay dilk, waa sida uu hadalka u yiri.
©Radio Dalsan