Howlgalkaan ayaa waxaa sameynayay Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Hargeysa,iyada oo uu ahaa howlgal qorsheysan kaas oo Gaadiidka looga fiiqayay Muraayadaha Madoow.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland Cabdiraxman liibaan Fooxle, ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu yahay mid aan joogsan doonin si ay uga hortagaan waxyaabo uu sheegay in lagu dhex qarin karo Gawaarida dhexdooda.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Taraafikada Somaaliland Feysal xiis ayaa isna sheegay in ay fulanayaan amar horay uga soo baxay taliyaha ciidanka Booliiska soomaaliland,islamarkaana waxa uu uga digay in Darawalada Gaadiidka ay ku xiraan Gawaaridooda Muraayadaha Madoow.
Hoos Ka Dhageyso Codka labada taliye