Xildhibaan Cabdala Xuseen Cali oo ka mid ah Gudiga difaaca Barlamaanka  Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin loo sameeyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed si loo dardar geliyo dhameystirka Dastuurka qabyada ah ee dalka.
Xildhibaanka ayaa tani ku tilmaamay in ay qeyb weyn ka qaadan karto in Bulshada Soomaaliyeed ay dhammaan wada heshiiyaan maadaama dhibaatooyin farabadan iyo dagaalo Sokeeye ay dalka ka dhaceen.
Waxa uu sheegay in khilaafka dalka ka jira uu sababay dhibaatooyin ay ka mid yihiin amnidaro,Doorasho la’aan qof iyo cod ah iyo sidoo kale kala shaki farabadan.
Sanadihii u dambeeyay waxa ay dowladihii dalka soo maray ku mashquul sanaayeen sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka qabyada ah ee dalka u degsan iyada oo isqabqabsi farabadan uu ka taagan yahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka.