Dhawaqa Rasaasta Culus Culculus ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaaalda Muqdisho, Waxayna saraakiisha Laamaha Ammaanku sheegeen in uusan jirin wax iska hor imaadyo ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, dadweynaha gobalka Banaadirna ay ku boorrinayaan in ay isdajiyaan.
Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Gaashaan ayaa caawa Dabrid Ka Sameeyay Deegaanka Ceelmacaan ee Duleedka Bari Magaalada Mogadishu Iyadoo Laamaha Ammaankuna Ku Wargaliyay Dadweynaha in aysan Qalqal dareemin.
Shacab farabadan oo ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo aan ka warheyn dabridka ay sameynayeen ciidamada Gaashaan ayaa sheegayay in uu dagaal socdo wallow markii dambe ay ogaadeen wixii halkasi ka jiray.
Ciidamada Gaashaan oo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Sanadkiiba mar waxa ay sameeyaan Dabrid.