Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddi u magacaawday dhacdadii maalin ka hor lagu dilay 10 ruux taas oo ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose,Gudigaas oo soo saari doona qaabkii dadkaasi shacabka ahaa loo dilay.
Guddigaan ayaa isugu jira xubno ka tirsan Golaha wasiirada soomaaliya xildhibaano,iyo masuuliyiin kale,waxaana ay isla Maanta bilaabeen Shaqadooda kuwaas oo laga sugayo in mudo laba malin gudahood ah ay jawaab keenaan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya buukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sidoo kale guddigaas ay la kulmi doonaan Ehelada dadkii lagu dilay weerarkii Bariire.
Hoos Ka Dhageyso Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka