Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Hiiraan halkaas oo shalay gelinkii dambe ay ku wada dagaalameen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Saakay wararka aan ka heleyno deegaankaas ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan isla markaana Ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo kala duwan.
Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegayaa in ay howlgalka halkaasi ka wadaan iyada oo la soo sheegayo in mararka qaar la maqlayo rasaas Goos Goos ah.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Ceel-Cade oo 65km Magaalada Baladweyne Galbeed kaga beegan ayaa sheegay in ay haatan cabsi soo wajahday maadaama dagaal uu halkaasi ka dhacay.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan balse ay ciidamadu halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan.