Wararka aan ka heleyno deegaano hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ay ka jiro xaalad daganaansho ah, kadib markii shalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas oo ahaa mid culus ayaa waxaa Ciidanka dowladda Federaalka ay kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana kamid ah Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10-km u jirta Degmada Cadale.
Sidoo kale dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan si dhab loo ogeyn inta uu la egyahay.
Dhinaca kale Saraakiisha dowladda iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay halkaas ku dileen 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.
Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka ay ku qabsadeen Gaari gaashaaman oo noociisa ahaa Taw iyo gaari kale oo Ambalaas ah, kuwaasi oo lahaayeen Ciidanka dowladda.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada saakay ay tahay mid degan, waxaana halkaas ka socdo dhaq-dhaqaaqyo Ciidanka oo ay wadaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.