Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii ay weerar  ku qaadeen Al-Shabaab deeganka Ceel Cadde ee Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen kadib dagaal dhex maray Ciidamo deegaanka ah iyo Al-Shabaab.
Wararka ay Maanta ka heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegeyaan in saakay halkaasi ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay ula wareegaan deegaankaas.
Duleedka deegaanka Ceel-Cadde ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo qorshuhuudu yahay in deegaankaas ka saaraan Al-Shabaab.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan iyaga oo diiday in Magacooda iyo codkooda Warbaahinta loo adeegsado,in ay cabsi soo wajahdo kuwaas oo ka baqdinqaba in dushooda lagu dagaalamo.
Dhanka kale Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay la xiriirtay Dalsan ayay ka gaabsaden in ay ka hadlan dhaq dhaqaaqyadaas.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com