Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ayaa Saraakiisha ciidamada waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa Warbaahinta Dowladda sheegay in howlgalkan uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Ibraahim Aadan Cali Najax ay fuliyeen ciidamada Ururka 26-aad guutadiisa sedexaad, isagoona sheegay inuu guul ku soo dhamaaday, lagan saaray Al shabaabkii  ku dhuumaaleysanayay Tuulooyinkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose in  howlgalkan uu hordhac u yahay dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dalka looga saarayo Al shabaab.
Holgalkaan ayaa ku soo aadaya xili dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan degmooyin farabadan oo dalka ah tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.