5 dhallinyaro Somali ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla Jesiiradaasi, kadib, markii lagu waayey Dembiyadii loo haystay.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Dhallinyaradaasi shalay dib loogu celiyey Somalia, iyadoo loo soo kireeyey Diyaarad Khas ah oo ay leedahay Shirkadda Horumarinta Jesiiradda Seychelles
Saraakiil ka tirsan Xafiiska QM ugu qaabilsan Ka-hortagga Daroogadda iyo Dembiyadda (The United Nations Office of Drugs and Crime (UNODC) ayaa kor-joogto ka ah Ambabixinta Dhallinyaradaasi.
Wakaalladda Wararka Sishilis ee SNA ayaa qortay in 5-ta Soomnaalida ku guuleysteen Rafcan ay ka qaateen Kiiska lagu soo oogay bishii December ee sanndkii hore, waxayna Maxkamadda Rafcaanka ee Seychelles amartay in la sii daayo.
Dhallinya radaasi ayaa loo haystay inay aduubteen Badmaaxiin Hindi ah iyo inay Doonidooda u adeegsadeen inay ku weeraraan Maraakiib Xamuul muddadii u dhexeysay bishii January 1-dii ilaa 18-dii ee sannadkii 2014-kii.
©Radio Dalsan