Degmada Caabudwaaq waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka dhibaatada dhinaca qaadashada lacagta  Shillinka Soomaaliga ay ka taagan tahay, wararka Dalsan ay ka heshay waxa ay sheegayaan in hadda dadka Caadiga ah ee Magaaladu ay bilaabeen in ay isticmaalaan Lacagta birta ah ee Itoobiya.
Sheikh Liibaan Xaaji Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Ganacsatada ee Caabudwaaq ayaa wareysi uu siiyey Dalsan ku sheegay in markii hore dadka ka yimaada dhinaca itoobiya loo sarifi jiray lacagta birta ah oo ay wataan sida lacagaha kalaba loo sarifo laakiin hadda dadka degaanku bilaabeen in ay isticmaalaan maadaama uu daba dheeraaday muranka Shillin Soomaaligu.
“nolosha caadiga ah ee maalinlaha ayey u adeegsadaan lacagta birta itoobiya si la mid ah sidii Shillinka Soomaaliga Ganacsataduna waa ay qaataan oo waxbaa lagu kala iibsadaa ayuu yiri Gudoomiyaha Ganacsatada ee Caabudwaaqâ€
Liibaan Xaaji ayaa intaas raaciyey in hadda ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii ay u dhammeyn lahaayeen muranka ka taagan qaadashada lacagta Soomaaliga ah si ganacsigu uu halkiisii hore ugu laabto.
Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan waxaa ka taagan jahawareer dhinaca Lacagta ah kadib markii Magaalooyinkaas lasoo galiyey Lacag Shillin Soomaali oo been abuur ah, waxa ay arrintan saameyn xun ku yeelatay Ganacsiga Goboladaas.
Baladweyne waxaa ka dhacay dibadbax dadku ay ku codsanayeen in wax laga qabto dhibaatada ka dhalatay Lacagta faalsada ah iyaga oo dhinaca kale Ganacsatadana ka dalbaday in ay xalka qeyb ka noqdaan.
War kasoo baxay Al-shabaab waxaa lagu amray Ganacsatada Deegaanadaas in aysan qaadan Karin lacagaha cusub taas oo xaaladda kasii dartay.
Dhinaca kale Ahlusunna ayaa iyana dhinacooda soosaaray in ay talaabo ka qaadi doonaan Ganacsadihii diida lacagaha ama kala sooca taas oo iyadana yeelatay culeys kale.
Wali wax xal ah looma hellin Jahawareerka dhinaca Shillin Soomaaliga ah ee Gobolada dhexe ka taagan waxaana jira shirar ay wadaan Ganacsatada Seddaxdaas Gobol oo ay ku doonayaan in ay xal uga gaaraan arrintan.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Sheikh Liibaan Xaaji Maxamuud