Gaari noociisa lagu sheegay Saaruf ayaa ku qarxay wadada gasha Iskooyska Jubba meel kudhaw dhismaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Federaalka.
Qaraxa ayaa ahaa mid ku xirnaa gaari uu lahaa Sarkaal katirsan NISA,waxaana dhaawac kasoo gaaray C/lahi Nuur Samater (Caana Boore) oo katirsan Hey’ada NISA.
Qaraxa ayaa dhacay Wax yar uun kadib Markii wadadaa ay mareyn gawaari galbineesay Raisul Wasaraha Dalka Xasan Cali Kheyre.
Taliyaha Ciidanka Boliska Gobolka Banaadir Axmed Xassan Maalin oo suxufiyiinta kula hadlay goobta gaariga uu ku qarxay ayaa faah faahin ka bixiyay sida Qaraxa uu u dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay.
Halkan ka dhageyso Taliye Maalin: