Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ay maanta hortagayaan Xildhibaanada Baarlamaan-Goboleedka Galmudug.
ilaa 3-Musharax ayaa loo diiwaan galiyay in ay u tartamaan xilkaasi,waxaana ay khudbado ay kaga hadlayaan Musharaxnimadooda ka jeedin doonaan kulanka Baarlamanka Galmudug,sida uu Dalsan u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geele.
Gudoomiye Geele ayaa sheegay in Berri ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha,sida loo qorsheeyay Jadwalka doorashada aysan waxba iska badalin
Halkan ka dhageyso Xildhibaan Geele Gudoomiyaha Gudiga Doorashada: