Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta Dagaal uu dhex maray ilaalada saldhiga Boliska Warsheekh iyo Ciidamo Milatari ah oo Saldhigaasi Weeraray.
Dadka ku dhaqan Degmadaasi ayaa sheegaya in rasaas culus leesku adeegsaday,Ciidamadii Milatariga ahaana Ay la wareegeen dhismaha Saldhiga Boliska Degmada Warsheekh.
Ciidanka weerarka qaaday ayaa la sheegay in uu hogaaminayay taliyaha ururka 28aad ee guutada 4aad ee ciidamada xoogga dalka Cornel C/qaadir Nuur Xasan Qoondhe.
Hal Askari ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas uu ku geeriyooday Askar kalena lagu heesto gudaha Saldhiga,sida Radio Dalsan uu u sheegay qof kamid ah dadka ku dhaqan Warsheekh.
Weerar ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Milatariga ay xalay Kontarolka Degmadaas ay ka qabteen 4-Askari oo la sheegay  in ay ahaayeen Ciidanka Maamulka Degmaadasi,balse Saarakiisha Milatariga waxa ay Sheegeen in Isbaaro ay dhiganayeen Askartaasi una wareejinayaan Magaalada Muqdisho.
Halkan ka dhagesyo Wareysi Goobjooge Warsheekh: