Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulan ay yeesheen Talaadii maanta waxa ay kalsoonidii kala laabteen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.
Eng Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirkii hore ee Wasaarada Beeraha Puntland ahaana Gudoomiyihii Shirkii Wadatashiga Maamulkaas oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Mooshinkaas la doonayay in xilka looga qaado Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas,balse Madaxweyne Gaas uu arinkaa u weeciyay Golaha Wasiirada Baarlamaankana go’aankaa ay qaateen.
Eng Maxamuud ayaa sido kale Madaxweyne Gaas ku eedeeyay in heshiisyada uu soo galo Baarlamaanka uusan la socodsiin, taasina ay keentay in hadda Baarlamaanka ay daba gal kusameeyaan Hey’adaha Maamulkaasi.
Shacabka deeganada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka cabanayay lacago shilinka Somaliga oo been abuur ah oo la sheegay in deegaanadaa lagu daabaco Eng Maxamuud Xaaji Saalax ayaa tilmaamay in taasi ay sababtay in Shacabka hadda ay ka horyimaadaan Maamulka Madaxweyne Gaas.
Halkan ka dhageyso Eng Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirkii Hore ee Beeraha Puntland:
Â