Barnaamijka Todobaadkaan waxaa diirada ku saari doonaa.
xiliga la iclaamiyay in ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.
Gudiga qaban qaabada doorashada ayaa todobaadkaan 8-Febaraayo u asteeyay in ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha .
Hadaba markii laga tusaalo qaato muranadii hareeyay doorashadii gudoonka baarlamaanka tani maxey uga duwanaaneesaa?
Hanaan hufan maku dhaceysaa doorashada Madaxweynaha ?
Waa mowduuca Barnaamijka Dooda.
Waxaa marti ku ah: Korneel Shariif Xuseen Rooboow falanqeeye Siyaasada iyo Amniga.
iyo Dr Shariif Cusmaan waa Bare, culuumta Siyaasada.
Waxaa Barnaamijka soo jeedinaya Abuubakar Maxamed Cali.