Weli waxaa taagan mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golsha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari kaas oo dhaliyay khilaaf horleh oo u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka.
Xalay Muqdisho waxaa si kala gooni gooni ah ugu shiray Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Jawaari iyo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka kuwaas oo sheegaya in mooshinkii la saxiixay uu weli atagan yahay,isla markaana Guddiga joogtada Golaha Shacabka aysan burburin Karin.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari laga soo abaabulay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Abuukaate waxa uu sheegay in arrintaan ay sabab u tahay Go’aankii Golaha Shacabka ee dalka looga mamnuucay shirkada Dp World e laga leeyahay Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Marka lagas oo tago hadalka Abuukaate ayaanan weli wax xal ah laga agarain mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka,waxana warar soo baxaya ay sidoo kale sheegayaan in mooshin kale laga wado Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.