Hadalkaan ayaa Waxaa sheegay Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa waxa uuna sheegay in qorshaha xukuumada Soomaaliya uu yahay dib u heshiisiinta iyo amniga.
Waxa uu sheegay in dalkaan Soomaaliya uu yahay mid la wada leeyahay isla markaana dowladda Soomaaliya ay wadahadal la geli doonto cid kasta oo dowladda ka soo horjeeda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu taagan yahay cafiskii Madaxweynaha Soomaliya uu u fidiyay dadka dowladda ka soo horjeeda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya