Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka sheegay Safarkiisii Mareynka ee la xiriiray arimaha deymaha iyo maalgashiga in tijaabo la marsiinayo Wasaarada Maaliyadda taa oo la xiriirta hanaanka maareynta Maaliyada.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in tijaabadaas ay iminka gabo gabo tahay imtixaanka seddexaad ee hadda horyaala Wasaaradiisana uu yahay Howlaha Mideynta Canshuuraha Dalka iyo Kheybsiga Kheyraadka
Wasiirka ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday xaalada bini’aadanimo ee ka taagan deegaanada Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan,masiibadaa ayuu sheegay in wadajir looga bixi karo iyaguna ay dhankooda doorkooda caawineed ay qaadan doonaan.
Xukuumada Federalka ayaa sanadkii dhamaaday waxa ay isku howshay sidii Beesha caalamka ay ugu kalsoonaa lahaayeen nidaamka Daah furnaan ee Howlaha Xukuumada si looga cafiyo deymaha dalka lagu leeyahay,hanaankaas ayaa dhowr tijaabo marayo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay rajo wanaagsan ka muujinayaa in deymaha laga cafiyo si lacago shilin Somali ah ay u soo daabacaan.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage.