Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis  ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Qalabkii Idaacadii Al-shabaab ee Al-Andulus.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.
Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Al-Shabaab ee ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasiirka Warfaafinta.
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan sida ay sheegeen saraakisha ciidamada xoogga dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siihayaha Wasiirka Warafafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.