Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay qorshaha Wasiiradiisa u degsan Sanadkaan.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradu ay Shaqaaleysiin doono in ka badan (Shan Boqol) oo Macalimiin ah kuwaas oo ka Shaqeyn doona degaano kala duwan oo dalka ah.
Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Wasaaradu ay hirgelin doonto Iskool ay wax ku baran doonaan dadka araga l’a isla markaana qorshaha Wasaaradiisa ee Sanadkaan  uu ka mid yahay.
Hadalkaan ayaa Wasiirka waxa uu sheegay xili uu booqday Xarunta Iskoolka ay caruurta Agoonta wax ku bartaan ee degmada Boondheere iyo soo sidoo kale Iskoolka Banaadir ee loo yaqaano Shariif Sharafoow.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.