Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre, ayaa ka hadlay wahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo dowladda ay ku dooneyso in ay uga faa’iideysato cid walba oo uu ula jeedo Saraakiisha ka soo baxda Al-Shabaab,in kastoo ra’iisul Wasaaruhu uusan sii faah faahin.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigi doonto waxyaabihii ka soo baxa wadahadaladaas oo ah kuwo ay ku jirto danta dowladda Soomaaliya iyo mida amniga intaba sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ahaa mid uu uga jawaabayay su’aalo dhowr ah oo ay xalay weeydiiyeen Wariyaasha xili uu ka qeyb galayay Barnaamij loogu Magacdaray Kulanka Saxaafadda iyo Xukuumadda oo lagu qabtay Xafiiskiisa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre