Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in Xukuumaddu ay wado haatan qorsho lagu dayactiro Wabiyada dalka.
Waxa uu sheegay in sidoo kale Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ay ay dib u soo celineyso Biya xireenadii dalka uu lahaa kuwaas oo haatan ah kuwo qaarkood aan Shaqeyn.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in arrintaan ay la wadaageen Wasaaradaha dhigooda ah ee Maamul Goboleedyada  si looga baaqsado fatahaada uu sameeyo Wabiga.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili mararka qaar Wabiga Shabeelle uu fatahaad geesto kaas oo baabi’iya hul Beereed iyo barakaca dad farabadan.
Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Tamarta iyo Kheyraaka Biyaha