Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay isbedelka lagu sameeyey habka mushaarsiinta Ciidamada,dhaqaalaha soo gala Wasaaradda iyo la-xisaabtanka Safaaradaha Dibada ee Soomaaliya.
Wasiir beyle ayaa sheegay in ay bilaabanayaan bixinta mushaaraadka ciidamada,sidoo kalena la bilaabayo la-xisaabtanka Safaaradaha Dowladda Soomaaliya ku leedahay wadamada kala duwan ee Caalamka.
“Runtii safaaaradaha inoo furan ayaa waxa ay yihiin kuwo bar madow ah taasna ay sabab u tahay dhibaatada iyo burburka dalka ka dhacay,balse waxa muhiim ah maxaa dhaqaalo ah oo soo gala safaaradahaas,dalalka ay safaaradaha ka furan yihiin Kirada Guriga ma bixiyaan,imiska lacag ah ayaa soo gasha?Shaqalaha ka Shaqeeya imisa ayay gaarayaan intaas oo dhan ayaan qorsheyneyna ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Arrintaan la xisaabtanka Safaaradaha soomaaliya ayuu sheegay in looga gol leeyahay sidii wax loo siin lahaa,sidoo kalena loo ogaan lahaa Shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgalla Safaaradahaas iyo sidii wax looga weeydiin lahaa Dhaqaalaha soo gala.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.