Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka hadlay war shalay ka soo baxay Alshaabaab, oo ku aadanaa aadida goobaha waxbarashada oo Shabaab ay uga digeen waalidiinta inay caruurta u diraan jaamacadaha iyo Iskuulada oo ay tilmaameen in lagu faafiyo dhaqamada reer galbeedka, sida ay hadalka u dhigeen.
Wasiir C/raxmaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOD-da ayaa ka horyimid arintaas, sheegayna in manaahijta waxbarasho dalka lagu barto shareecada islaamka iyo tarbiyada, islamarkaana uu xuusay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo waxbarshada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ugu baaqay waalidiinta in eysan wax u arkin war kaasi ka soo baxay Alshabaab, oo uu sheegay in dano kale laga leyahay.
Halkaan hoose ka dhageyso codka.