Maxkamada Gobolka Sanaag ayaa Maanta xukuno isugu jira dil Xabsi iyo Qaan Waxa ay ku riday 6 Nin oo mudo badan lagu hayay Xabsiyo ku yaala deegaanada Gar-adag iyo Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag kuwaas oo ahaa Xukun  Sugayaal.
Cali Sidiiq faarax Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday,ragaas oo lagu kala eedeynayo falal ay ka mid yihiin Kufsi iyo arinta layaabka leh ee ah in Nin inuu aabihiis dilay islamarkaana gowracay.
Buraale Salaad Ducale ayaa ah Ninka dilay Aabihiisa,waxana Maxkamadu ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Mid ka mid ah raga wax kufsaday ayaa lagu xukumay 5 ano oo axriga ah iyo (laba Kun) oo Dollar.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka