Maanta ayaa la filayaa in Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay Go’aanka gaaraan arrinta xiisada dhalisay ee wareejintii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagac.
Arrinta Qalbi Dhagac oo ay weli hadal hayan Shacabka soomaaliyeed ayaa la filyay in Maalin ka hor Xubnaha Golaha Shacabka ay ka doodaan balse uusan furmin kulankii Baarlamaanka soomaaliya oo u qabsoomi waayay kooram la’aan.
Cabdi Xaashi Cabdillaahi Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta xubnaha Aqalka Sare ay Go’an ka gaari doonaan Go’aankii dowladda oo ay Itoobiya ugu wreejisay Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF.
Shacabka Soomaliyeed ayaa ad uga xumaaday dhacdadaas, iyada oo sugayay in dowladda ay ka hadasho mudo todobad ah balse markii dambe ay dowladdu ay xaqiijisay in ay warejisay isla markaana uu ka tirsanaa Ururka ONLF oo ay dowladu ku tilmaamtay Argagaxiso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Aqalka Sare