Xoghayaha Dowlada hoose ee magaalada Garowe  Cabdiqafaar Cabdiraxmaan ayaa faah faahin Guud ka bixiyay hadalo baraha Bulsahda Maalmihii u dambeysay lagu faafinayay kaas oo ku aadanaa in Aalda facebook la soo dhigay Sawirka Gabar lagu shegay in ay ka timid Magaalada burco balse uu tacadi u geestay.
Xogheyaha ayaa waxa uu shegay in Warkaas uu yahay mid been abuur ah islamarkana dad Facebook ku sameystay Magacyada Dumarka ay arintaasi ku kacayaan kuwaas oo u baahan in baaritaano dheerad ah lagu sameeyo si wax looga qabto.
Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in baaritaano dheer ah kadib cidii ay ku cadaado Fadeexada loo geestay uu maxkamad la tiigsan doono sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xogheyaha