Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa digniin u jeediyey Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyaga oo ku eedeeyey in Xisbiyadaasi ay sameeyeen Olole aan sharci ahayn, xilli lagu jiro kaadh qaybinta.
Guddida Anshaxa ee hoostaga Guddida Doorashada Somaliland ayaa xisbiyadan digniin u jeediyey iyaga oo sheegay inay tallaabo qaadi doonaan haddii amarkooda loo hoggaansami waayo.
Sucaad Ibraahim Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddida Anshaxa ee hoostaga Guddida Doorashada Somaliland oo Warbaahinta la hadashay.
Hoos Ka Dhageyso Codka