Inkastoo xaaladda amni ee Soomaaliya siiba tan Muqdisho ay tahay mid ka yara deggan sidii ay ahayd shan sano ka hor, maalinba maalinta ka dabeysana uu dalka horey u dhaqaaqayo, hadana wali Bulshada  waxay la noolyihiin aafooyinka amni darrada ah.
Qaraxyada lagu hoobto, dilalka qorsheysan iyo dhaca hubeysan ayey la daalaadhaceysaa bulshadan. Sababo badan ayaana loo tiiriyaa inay abuureen dhibaatooyinkaasi, waxaana  ugu horreysa shaqo la’aanta.
12% ayaa ka shaqeysa guud ahaan Muwaadiniinta gudaha dalka deggan tiradaasoo dabcan u badan dhallinyaro, 60% bulshada waxay u baahanyihiin in loo sameeyo shaqo abuur, sida ay sheegtay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumada federaalka ah.
Hadaba in dhallinyarada loo sameeyo shaqo abuur kaalin intee la eg ayey ka qaadaneysaa xasilinta wadanka, (waxaan su’aashaas u bandhigay Col,Shariif Robow oo ka tirsanaa ciidamadii nabadsugidda Soomaaliya haatan ka faallooda arrimaha amniga.
Tamarta ku jirta qofka dhalinyara ah waxa ay u baahantahay jaheyn iyo dowlad ka faaiideysto awoodaha waqtiga dhalinyarada si ay u qaataan dowrkii waxqabad ee dhismaha dalka hadii lawaayo shako kaafinkarta ruuxa dhalinyarada ah waxa uu aamin sanyahay axmad cabdi ceynab in uu kaa qeyb qaadan dhib u dhaca wadanka.
Maadaama dowlada federaalka wali aysan si buuxda u awoodin shaqo siinta dhalinarada maxey dhalinyarada u nuglaan laan karaan waa kan Axmad Cabdi Ceynab oo ah aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhallinyarada, oo la hadlay idaacadda Dalsan.
Wallow mas’uuliyadda dhamaan muwaadiniinta ay dhabarka u ridataya dowladda federaalka ah, hadana waxaa si dhow loola socdo u baahan xaaladda qorsho ee dhallinyarada oo ah kuwa bedelaya madaxda manta. Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliya, Amed Cumar Islow ayaan weydiiyay sida ay uga warqabaan heerka shaqo la’aanta dhallinyarada iyo waxa ay u qabteen.
Faadumo Cabdi Cali oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyed ayaa rumeysan hadii aan hoos loo dhigin heerka shaqa la’aanta in jiilka manta iyo kuwa soo korayaba aayahooda uu ku jiro Qatar.
Ururada bulshada rayidka ah ayaa kaalin mug leh ka qaadan kara taabagelinta haddii la helo qorsheyaal lagu taageerayo dhallinyarada shaqo la’aanta ah, Liibaan Bile Xiirey waa sarkaalka u qareemida u qaabilsan ururada jilayaashada aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Somaliya ee SOSHENSA.
Faadumo Cabdi Cali, ayaa sheegeysa in shaqo la’aanta dhallinyarada si saameynteeda aysan amaanka u dhibaateyn loo baahanyahay in dowladda ay xilalka muhiimka ah sida Hay’adaha amaanka mas’uul uga dhigto dhallinyaro.
Hadaba maxay yihiin qorsheyaasha dowladda Somaaliya u diyaarisay taakuleynta dhallinyarada si baajiyo halista naftooda iyo tan bulashada, waa kan Axmad Cumar Islow, wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS.
Si loo helo wadan xasilloon, bulshadiisa khaasatan dhallinyaradiisuna ay aayo ifiya rajeynayaan maxaa loo baahanyahay?-waa kan Col, Shariif Roobow oo ka faalooda arimahada amaanka.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta oo ay diyaarisay soona jeedineyso Farxiyo Muraad