Xildhibaano ka wada tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sicaro leh uga jawaabay hadal ka soo baxay Ergaygii dhisida Jubbaland u qaabilsanaa xilna laga siiyey Kenya kaas oo lagu Magacaabo Nuuradiin Xaaji.
Nuuradiin Xaaji oo haatan ah Taliye ku xigeenka Sirdoonka Kenya ayaa shalay sheegay in Jubbaland loo dhisay in lagu ilaaliyo amniga xaduudka Kenya waxaana hadalkaasi ka hadlay Xildhibaano ka tirsan dowladda.
Sanoter C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in warka soo soo yeeray Nuuradiin xaaji uu yahay mid aan waxba ka jirin.
“Runtii warkaas waa mid aan waxba ka jirin Jubbaland waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyad dalka ka jira sida Hir-Shabeelle,Koonfur Galbeed,Puntland waad ogtihiin madaxweynaha Jubbaland waa uu ka hadlay xiisada balad xaawo iyo darbiga ay Kenya ka dhioseysay halkaas laakin hadalka Nuuraddiin uu yahay mid la iska dhahay ayuu yiri Sanoter-kaâ€
Dhinaca kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in hadalka Nuuraddiin uu yahay mid uusan ku hadlin qof masuul ah una baahnaa in laga fiirsado,isla markaana dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in hal taako oo ka mid ah dhulkeena lagu soo xadgudubo.
Dowladda Kenya ayaa xiriir dhow la leh Maamulka Jubbaland,waxaana Soomaaliya gaar ahaan magaalooyin ka mid ah Jubbaland ku sugan ciidamo farabadan oo ay leedahay,waxana dadka Soomaaliyeed ay u arkaan in mar walba Kenya ay u xagliso dhanka Maamulka Jubbaland.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaanada federaalka.