Tan iyo Markii la Magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka hir-Shabeelle waxaa soo baxayay dhaliilo loo jeedinayo Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare taas oo ku aadan in habka uu u soo magacaabays an aheyn mid wanasgan.
Sidoo kale waxa jira Xildhibaano sheegaya in ay wadaan mooshin ka dahn ah Madaxweyne Waare hadii uusan dib ugu laaban Magacaabista golaha Wasiirada isla markaana aysan ansixin doonin.
Hadaba Xildhibaanad Duniyo Daahir oo ka mid ah Baarlamaan Goboleedka Hir-Shabeelle oo Dalsan la hadashay ayaa sheegtay in xiligaan aysan wanagsaneyn mooshinka ay xildhibaanada ay sheegeen Xildhibaanada.
Waxa ay sheegtay in Maamulku uu yahay mid Cusub isla markaana Xildhibaanadu ay ka shiri doonaan si Maamulku uu wanaag waqtigiisa ku dhameysto.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaanad Duniyo.