Xalay Magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay xildhibaanadii shalay sheegay in ay mooshinka ka gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada ayaa waxa ay siweyn uga hadleen kulankii ay yeesheen Gudiga joogtada Golaha Shacabka kaas oo lagu laalay mooshinkii ay ka gudbiyeen gudoomiyaha.
Shirka Jaraa’id oo uu kulanka kadib Warbaahinta u qabtay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddiga joogtada aysan ka hadli Karin mooshinka ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha oo uu ku eedeeyay in uu sharciga jebiyay.
Waxaa kaloo uu sheegay in weli mooshinkii ay gudoomiyaha ka gudbiyeen uu taagan yahay laakin looga been abuurtay in ay jireen 16 xildhibaan oo mooshinkaas ka laabtay,laakin go’aankoodu uu yahay in ay wadi doonaan inta laga dooranayo Gudoomiye Cusub.
Xiisada ka dhalatay mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Golasha Shacabka ayaa weli taagan,iyada oo dhinaca kale warar soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro mooshin kale oo laga wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi Cali oo Akhrinaya Go’aanka ay soo saareen.