Kadib markii Gelinkii dambe ee Maanta ay heshiis ku wada gaareen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Masuuliyiin ka kala socotay maamulada Galmudug iyo Ahlusuna isla markaana ay Goobjoog ka ahaayeen madaxda Sare ee Dowladda ayaa waxaa heshiiskaas qaadacay xildhibaano ka tirsan Galmudug.
Qaar ka mid ah Xildhiabanada Galmudug oo shir Jaraa’id qabtay ayaa waxa ay sheegeen in heshiiskaas uusan waxba ka jirin isla markaana uu yahay mid lagu duminayo Maamulka dhisan ee Galmudug.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa in la horkeeno Baarlamaanka Galmudug balse la hareer maray sidaas daaradeedna aysan aqbaleyn.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in heshiiskaan ay galeen Koox yar oo mucaarad ku ah Maamulka Galmuudg sida ay hadalka u dhigeen.
Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Galmudug ayaa 15 Bishaan galeyso doorashada loona diyaar garoobayo.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaanada Galmudug.