Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen arinta ku aadan dhiibistii la sheegay in dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya C/kariin Qalbi dhagac oo ka mid ahaa Madaxda Jabhada ONLF.
Xildhibaan Abuukaateeye ayaa sheegay in talaabadaas ay tahay wax laga xumaado islamarkaana Itoobiya ay ka mid tahay cadowga Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Abuukateeye
Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow ayaa isna qaba in C/kariin Qalbi dhagax uu yahay nin Itoobiyaan ah, balse ay wanaagsan tahay in dowladda laga warsugo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow